Categories
Af Soomaali

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Qaaday Maqaayadaha Boosh & Pizza House

Dableey hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar xoogan oo Qarax ku bilowday xalay fiidkii ku qaaya Maqaayadaha Pizza House iyo Boosh oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dhismaha Maqaayadaha Boosh iyo Pizza House ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan iyadoona Sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan bur burka halkaasi soo gaaray.

Dhimashada inta hadda la ogyahay waa 20 ruux  waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato.

Gaadiidka Ambalaaska ayaa qaaday ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarka, waxaana la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku yaal, halkaasi oo lagu dabiibaayo.

 

Xuquuqda Sawirrada Wakaaladda Sonna.

 

 

By Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia