Daawo Sawirrada Tuulooyinkii lagu gubay dagaaladii duleedka bari Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirrada Tuulooyinkii lagu gubay dagaaladii duleedka bari Jowhar

tuuloo la gubaytuuloo la gubaytuuloo la gubaytuuloyin la gubayTobaneeyo Tuulo ayaa lagu gubay dagaalo todobaadkii hore ka dhacay duleedka bari ee magaalada Jowhar, kaasoo ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyeed.

Wariye booqday deegaanada lagu gubay dagaalada ayaa ku soo arkay deegaanada la gubay oo badankood ay degenaayeen mid ka mid ah labada beelood ee dagaalamayay.

In ka badan 10-tuulo oo isku xig xigay ayay dagaalada saameeyeen, kuwaasoo ay ka barakaceen kumanaan qoysas oo isugu jira dad waayeelo, caruur iyo haween.

Inkastoo deegaanada badankood laga barakacay, hadana ma jirin nafar nuuxsanayay ama dad ku sugnaa tuulooyinka qaar oo wali ay ka muuqato raadadkii dagaalada.
Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah Geedo-barkaan, Timire, Gaafaay, Lama waab Sabuun, buulo waray iyo kuwa kale.
Dagaaladii ka dhacay deegaanadaas ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya labaatameeyo ruux, iyadoo labo maalmood ka hor deegaanada qaar laga helay meydadkii dagaaladii todobaadkii hore.

Ma jirto ilaa iyo hada heshiis xabad joojin rasmi ah oo la kala dhex dhigay labada beelood, sidoo kale ma jirto ciidan dhex galay oo ka socda dowladda iyo AMISOM, waxaana dagaalada ahaayeen kuwo iskood u istaagay markii mid ka mid ah beelihii dagaalamay ay deegaanada isaga baxday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!