Daawo sawirrada: Taliyaaniga oo gaadiid milateri ku wareejiyey dowladda Somaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirrada: Taliyaaniga oo gaadiid milateri ku wareejiyey dowladda Somaaliya

Mareeg.com: Dowladda Taliyaaniga ayaa gaadiid ciidan oo farabadan ku wareejisay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo gaadiidkaas laga soo dejiyey dekedda Muqdisho.

Munaasabad lagu qabtay dekedda Muqdisho oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta ciidamada xooga dalka iyo saraakiil ka socotay Talyaaniga ayaa ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mileteriga lagula wareejiyay gawaari nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah kuwaasoo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga.

Gawaaridan oo tiradoodu lagu sheegay 54 ayaa waxaa loogu talo galay ciidamada Booliska Mileteriga, iyo Nabadsugida Somaaliya.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda wareejinta gaadiidkaas ka hadlay Bernando Mencaraglia oo ka socday wasaaaradda gaashandhiga Talyaaniga kaasoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay fulinta ballan qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada kala duwan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Taliyaaniga ayaa horay u kala saxiixda heshiis milateri oo Taliyaanigu ku caawinayo ciidamada Soomaaliya, si isaga difaacaan Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.