Daawo sawirrada tababar xerada Jaziira loogu soo xiray ciidamo Kumaandoos ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirrada tababar xerada Jaziira loogu soo xiray ciidamo Kumaandoos ah

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar xerada Jaziira ee  duleedka Muqdisho ugu soo xirayay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah  Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah.

Munaasabadaasi  xirtaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa, Taliyaha CXD Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaq qarshe  oo sheegay in ciidamadani ay yihiin dufcaddii labaad ee komaandooska ay yeelanayso Soomaaliya, isagoo ciidamadan ku ammaanay inay tababar aad u sarreeya qaateen, uuna rajeynayo inay isbedel dalka ka sameyn doonaan.

Waxaa isaguna ka hadlay xafladda xirtaanka tababarka sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda argagaxisada, loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto dagaalkooda si dalkan nabad looga dhigo muddo fog kaddib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan  nabad aad ka dhigtaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay  aad ula yaabeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!