Daawo sawirrada sida wabiga Shabeelle ugu fatahay Shabeellaha Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirrada sida wabiga Shabeelle ugu fatahay Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Cabsida laga qabo in Wabiga Shabelle uu kusii fataho deegaano ka tirsan magaalada Jowhar ayaa sii kordheysa.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa wabiga ku fatahay Tuulooyin dhowr ah, halkaasoo dadkii degenaa ay ka barakaceen.

Tuulada fataahadda webiga Shabeelle sida xooggan u saameysay ayaa ah tuulada Duduble oo hoos tagta degmada Mahadaay, waxaana biyo badan gudaha u galeen tuuladaas, iyagoo baabi’iyay guryo badan.

Ilaa 200 qoys ayaa ka barakacay fatahaada tuuladaas, ayaa degaan ka dhigtay dhul banaan oo ku dhow tuuladooda, waxaana dadkan ay ka sameysteen aqalo cooshado ah, kuwaasoo aanay dhaxanta iyo roobka celin karin.

Tuulooyinka qaar ayaa waxaa ka jira feejignaanta fatahaada wabiga, kadib markii uu wabiga uu si aad ah u biyo keenay, waxaana dhinaca kale socda dadaalo uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale, xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ayaa looga cabsi qabaa in kor-shubka wabiga ama siimow uu galo, waxaana soconaya cara-tuur lagu sameynayo hareeraha wabiga.

Sanadkii hore ayaa fatahaad xoog leh webiga Shabeelle ku sameeyey degmada Jowhar iyo tuulooyinka ku dhow, waxaan magaalada Jowhar muddo aheyd mid go’doosan.

fatahad (1)fatahad (2)fatahad (3)fatahad (4)fatahad (5)fatahad (6)fatahad (7)fatahad (8)fatahad (9)fatahad (10)fatahad (11)fatahad (12)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!