Daawo sawirrada: Sida uu u dhacay kulan dhexmaray madaxweyne Xasan & dhigiisa Masar

Read Time:45 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha Masar Gen. C/fataax Alsisi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ka hor kulanka salaan sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida ee Masar.

Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa labada madaxweyne ay yeesheen kulan waqti qaatay oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday labada dowladood gaar ahaan dhanka golaha wasiirada.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Da’uud Aweys ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu u gudbiyay dhigiisa in dhinacyo badan laga garab siiyo Soomaaliya si labada dal ay hore ugu sii wadaan Soomaaliyada cusub iyo Masarta cusub.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar C/fataax Siisii ayaa ballan qaaday inuu dhisayo gudi ka shaqeeya horumarinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya isagoo dhanka kalena xusay inay Soomaaliya ka taageerayaan arrimaha tababarka ciidamada iyo dhinacyo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay isla Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Nabiil Alcarabi.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.