Daawo sawirrada madaxda Jabuuti & Somalia oo lagu soo dhaweeyey Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirrada madaxda Jabuuti & Somalia oo lagu soo dhaweeyey Baledweyne

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ay gaareen magaalada Beledwyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo dhaweyn aad u sareysay loogu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Soo dhaweynta labada Madaxweyne loogu sameyeeyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo halkaasi horey ugu sugnaa, maamulka gobolka, saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaalada Beledweyne.

Xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Fitaax Xasan Afrax isagoo sheegay ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay suurta geliyeen in maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaro magaalada Beledweyne, waxaana mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxweyne Geelle iyo guud ahaan shacabka dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowaladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo oo aad u qodo dheer isagoo tilmaamay in xukuumadda Jabuuti ay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan shacabka walaalahooda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab wajigii koowaad oo ahaa in laga saaro magaalooyinka waa weyn isla markaana hadda la bilaabayo wajiga labaad oo lagu furayo wadooyinka ay gooyeen Al-shabaab.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan isagoo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto heshiisiinta Beelaha ku dagaalamaya deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka uu goobta ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ogolaadeen isla markaana ay soo dhaweeyeen in dowladda Jabuuti ay gacan ka geysan doono nabadeynta Beelaha walaalaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu amaan u jeediyay madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti dadaalada ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale sheegay in taageerada ay dowladda Jabuuti siisay Soomaaliya aysan marna ilaabi doonin.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan uu ku adkeeyay in ay u guntadaan sidii heshiis buuxa u dhex dhigi lahaayeen beelaha ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Labada madaxweyne oo saaka ka baxay Muqdisho ayaa shalay halkaas ku dhagax dhigay Akaadimayad Goboleedka Afka Soomaaliga oo laga dhisayo caasimadda Soomaaliya.

Xigasho: RM

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.