Daawo sawirrada Jaziiradda Kudhaa ee Jubada Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirrada Jaziiradda Kudhaa ee Jubada Hoose

Mareeg.com: Sawirradan waa jazeeradda Kudhaa ee ku taalla gobolka Jubada Hoose, halkasoo dhowr jeer isu dhaaftay gacmaha Maamulka Juba iyo Alshabaab, balse ay haatan maamulaan ciidanka Juba iyo kuwa Kenya ee AMISOM ku jira.

Ciidamada Amisom iyo Jubbaland, ayaa bishii hore waxay si buuxdo ay Ururka Al Shabaab ugala wareegeen Jazeeradaasi, ka dib markii Al Shabaab ay dagaal lagu hoobtay ku qabsatay bishii November 2014.

Diyaarad ay lee dahay Qaramada Midoobay ayaa raashiin gargaar ahaa gaarsiisay Kudhaa, waxaana loo qeybiyey dadka deegaankaas.

Kudhaa waxaa hadda ku sugan boqolaal ka mid ah Ciidamada Jubbaland iyo Amisom, waxayna ka sameysteen daafacyo ballaaran, si ay dib uga difaacan Alshabaab oo halkaas horay ugu laayey ciidan badan oo ka tirsan maamulka Juba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!