Daawo Sawirrada Dib U Dhis Lagu Bilaabay Jidka Laamiga Ee Jowhar

Read Time:58 Second

Jowhar, Mareeg.com: Wadada laamiga dhex marta magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu bilaabay dayactir ballaaran, iyadoo dib loo saarayo laami muddo 22 sano ah kadib.

Shirkad lagu magacaabo Geeska Afrika ayaa dayactirkan bilowday maalmo ka hor, waxaana mashruucan oo ah mid bilow ah wajigiisa lagu dayactirayaa ilaa 3-KM oo ka bilaabata Koontaroolka Jowhar looga soo galo dhanka Muqdisho ilaa Wadada Gaalshiraha ama xabsiga dhexe ee laamiga aada degmada Mahadaay.

Mas’uuliyiinta Shirkada dayactirka wada ayaa sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan in wadada laamiga ee Muqdisho ilaa Gobolada Dhexe ay dayactiraan, waxaana xilligan wadadaas ay tahay mid aad u bur bursan.

Waxaa marka laamigaan dhamaado lagu wadaa in Jowhar laga hirgeliyo Leysrarka soolarka ah ee ku shaqeeya cadceedda oo horay tijaabo lagu sameeyey Muqdisho lagu guuleystay.

Dhanka kale, maalmaha soo socda ayaa la filaa in magaalada Baledweyne laga bilaabo dayactirka Jidka laamiga ah ee dhex mara magaalada sida uu Mareeg.com u sheegay sarkaal ka tirsaan maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa Baledweyne laga hir gelin doonaa sida la qorsheeyey Leyrarka soolarka, iyadoo ay magaalada Baledweyne haatan ku sugan tahay shirkadda dhiseysa laamiga, islamarkaana xireysa Baallayaasha Soolarka ah.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %