Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo udub dhaxaad u ah sugidda amniga gudaha ee dalka ayaa muddooyinkan danbe ku tallaabsanayay horumarro dhinacyo badan leh tan iyo intii ka danbaysay markii loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeeed S/Gaas Max’ed Shiikh Xasan waxaa kor u kacayay tayada Xubnaha ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.police_cadet2police_cadet3policecadet1

Taliye Xaamud ayaa xoogga saaray sidii ciidanka Booliiska uu heli lahaa Jiil Cusub oo ka qayb noqda kor u qaadidda tayada ciidanka, mudadaas intii ka danbaysayna waxaa soo badanayay ku soo biiritaanka ciidanka ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay, sida kuwa dhamaystay Waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo kuwa dugsiyada sare.

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ah kuwa ugu faca wayn Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, haatana waxaa muuqda ifafaalo in Booliiska Soomaaliyeed uu muddo dhow gaari doono horumarro u suurta galiya inuu si buuxda u xaqiijiyo sugidda amaanka nafta iyo maalka muwaadinka soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!