Mareeg.com: Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamo ka socda milateriga Soomaaliya iyo AMISOM la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed shalay iyo maanta ku dagaallamay magaalada Baledweyne ee xarrunta Hiraan.
Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow oo ka tirsan maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ciidamo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay geeyeen goobaha ay dirirta ka socoto ee magaalada Beledweyne.
Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow ayaa sheegay in ay ciidanku kala dhex galeen labo maleeshiyo beel oo maalintii labaad ku dagaallamaya xaafadda Howlwadaag ee degamada Beledweyne.
Wuxuu u jeediyay beelaha inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka, khilaafkoodana ay ku dhameeyaan wadahadal.
Guddoomiyaha ayaa xusay in gobolka, kan degmada iyo odayaasha dhaqanka ay dadaal ugu jiraan sidii loo qabooyin lahaa colaadda beelaha.
Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee ka wadda tirsan AMISOM oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka beellaha diriraya ayaa wadda jir u sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabad-galyada, sidaa awgeed looga baahan yahay labada dhinac in ay ka fikiraan cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wajib ka saaran dhinacooda ilaalinta nabad-galyada dadka rayidka ah, una dul-qaadan doonin dagaal danbe oo dhaca.
”Mas’uuliyada dadka annaga ayeey na saaran tahay ma aqbali doono in maleeshiyaad ku dul-dagaallamaan xaafaddo dad rayid ah ku nool yihiin, waxaan leenahay marka hore nabada halaga shaqeeyo dabcan wixii intaa-dhaafsan hay’adaha amniga ayay mas’uuliyadi ka saaran shaqadoodana way qabsan doonaan,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Waxaa xirran dhamaan goobihii ganacsiga xaafaddaha lagu dagaallamay, meelaha qaarna waxaa naloo sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dadka guryahooda aysan kasoo bixin.
Lix qof ayaa ku dhimatay 12 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas oo shalay iyo maanta ka dhaay xaafadda Howl-wadaag ee Baledweyne.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.