Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirrada: Ciidamada oo xaqiijiyay ammaanka deegaanka C/lle Biroole ee G/J/Hoose

Ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Daraawiishta maamulka  Jubbaland iyo AMISOM ayaa shalay la wareegey deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana u jira 60KM.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saldhig wayn u ahaa maleeshiyadka nabad diidka ah ee Alshabaab oo dadka shacabka ee deeganadaas degan dhibaato xoog leh ku hayey.cisadn_cunto_qeybinay tuulo tuulo1 ciidamo_dagaalaya

Ciidamada ayaa Tuulada Cabdalla Biroole si nabad galyo ah kula wareegey kadib markii ay Alshabaab isaga bexeen , ayadoo halkaasi ay dadka deegaanku si diiran ugu soo dhaweeyeen Ciidamada.

Lawareegida gacan kuhaynta deegaanka Cabdalla biroole ayaa bilow u ah hawlgalka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo maleeshiyada Alshabaab ayadoo dhabar jab weyn ku ah naleeshiyaadka Shabaab deegaanada gacantooda kabaxey.

Ciidamada ayaa ku guuleystay iney xaqiijiyaan ammaanka deegaanka Cabdulle Biroole kaddib markii ay ka faramaroojiyeen maleeshiyaadka Shabaab.  xigasho radio muqdisho

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!