
Mareeg.com: Qeybo badan oo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya waxaa ka taliya kooxda la baxday Khalaafada Islaamka waxaana hogaamiya nin Jihaadi ah oo lagu magacaabo Abubakr Al-baqdaadi.
Qoladan oo dhawaan xulafo Mareykanku hogaaminayo isku raaceen iney burburinayaan ayaa ka taliya magaalooyin badan oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya. Khalaafada Islaamka ayaa sameystay ciidamo boolis ah oo loogu magic daray (Booliska Islaamka).
Ciidamada sida booliska u shaqeeya waxaa Alqaacidda iyo Alshabaabka Soomaaliya u yaqaanaan magaca Xisbah, hase ahaatee Khalaafada Islaamka ayaa qaadatay magaca “Booliska Islaamka”.
Haddaba daawo sawirada Booliska Islaamka ee Khalaafada Islaamka ee horay loo oran jiray “Daacish”.
Mareeg Media