Daawo Sawirada : Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Maanta la caleemo saaray

Read Time:37 Second

Ugaas Xasan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu caleema saaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Caleemasarka Ugaaska ayaa waxaay ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Federaalka ee Somaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Wasiiro, Xildhibinno, siyaasiyiin, duubab dhaqan iyo marti sharaf kale.

Xafladaasi ayaa si wayn uga dhacday Garoonka Diyaaradaha ee loogu magacdaray ambassador Cabdi Faarax Laqanyo, waxaana halkaasi laga dhisay aqal somali, waxaana laga soo jeediyay khudbado kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Mudane Mahada Cabdalla Cawad oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay kaalinta doobabka dhaqanka looga baahan yahay, isagoo xusay in bulshada ay ku hogaamiyaan nabadda iyo horumarka.

Ugaaska oo goobtaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka somaliyeed nabad iyo barwaaqo, iyo in gacmaha la is qabsado oo laga shaqeeyo midnimo.UGAS-XAWAADLEugaas6UGASKAWASIIR

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.