Daawo sida looga ciiday degmooyinka Alshabaab maamulaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sida looga ciiday degmooyinka Alshabaab maamulaan

Mareeg.com: Gobollada iyo degmooyinka Alshabaab maamulaan ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadku salaadda ciidul-fidriga ku dukadeen baraxdo loogu talagalay.

Qaar ka mid ah goobaha lagu tukaday salaadda ciida waxaa kazoo muuqday saraakiil ka tirsan Alshabaab, sida Afhayeenka guud ee ururkaas Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Isu soo baxa ugu weyn ayaa ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, degmadaas oo ah magaalada ugu weyn ee ugu dhow Muqdisho inta magaalo ee Alshabaab gacanta ku hayaan.

Waxaa halkaas khudbado ka jeediyey madaxa Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla iyo afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere.

Abuu Cabdala ayaa ka hadlay duulaan Amisom iyo cidiamada Soomaaliya ku qaadeen gobolka Shabeellaha, wuxuuna sheegay inay ku jabeen oo haatan ay ku go’doonsanyihiin Qoryooley iyo meelaha kale ee gobalka ka joogaan.

Afhayeenka Alshabaab, Cali Dheere ayaa sheegay iney dhibaato xoog leh u geysteen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay dileen dhowr xildhibaan intii uu socday sanadkaan.

Sidoo kale, waxaa sidaan oo kale salaadda ciidamada saraakiisha Alshabaab dadka ugu dujiyeen degmooyinka ay ka maamulaan Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!