Daawo Sawirada'' Shacabka Muqdisho oo is hortaag ku sameeyay Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM kadib markii.. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirada” Shacabka Muqdisho oo is hortaag ku sameeyay Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM kadib markii..

Gaadiid ay wateen Ciidamada Midowga AFrika ee AMISOM ayaa goordhaw waxa nin waayeel ah ku jiireen Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidkaasi is hortaag ku sameeyay kana diiday in ay baxsaan shacab halkaasi ku sugnaa.

Ma ahan wax cusub in ay AMISOM gaari shacab ku jiiraan balse arinka aadka iisoo jiitay waxa uu ahaa in manta shacabka Soomaaliyeed ay is hor istaageen gaadiidkii AMISOM iyagoona ku qasbay in ay goobta ka qaadaan ninka ay gaarigooda jiirsiiyeen.

Waxaa kaloo jiray in ay ciidamada Soomaaliyeeed ayagana ay shacabka lasoo safteen oo ay si xog ah ugu amreen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in ay ninka qaadan, oo ay soo daaweeyaan.

Waxaa jirtay in laba ruux lagu daray gaadiidka AMISOM si ay ulla socdaan xaaldaha dhibanaha, waa arin lagu farxo tanoo kale waxaa weli dhagaha shacabka ka sii yeeraya arintii isbuucii lasoo dhaafay ay AMISOM Sh/Hoose ku dileen afar qof oo shacab ah oo gaari ku safrayay.gaari_african

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!