Daawo Sawirada” Mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Al-Shabaab ku wareejisay Hub iyo Dhalinyaro u dagaalanta

Read Time:52 Second

Odayasaha Beesha Degta Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud, ayaa Xarakada Al-Shabaab waxa ay ku wareejiyeen hub ay ugu tala galeen in ay kula dagaalamaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Kulan ka dhacay Degmada Ceel Dheer ayaa Xarakada Al-Shabaab lagua wareejiyay qoryo badan oo nuuca AK47- ah ay iska soo aruuriyeen Odayaasha ku dhaqan Degmada Ceel Dheer, waxaana hubkan lagu wareejiyay Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Sheekh Xasan Yacquub , oo ah Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa ugu mahad celiyay Odayaasha hubka kusoo wareejiyay, waxa uuna tilmaamay in hubkan lagu difaacayo Degmada Ceel Dheer iyo deegaanada kale.

Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Yacquub in sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Degmada Ceel Dheer ay kusoo wareejiyeen 100-dhalinyaro ah oo loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan dagaalada looga soo horjeedo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee kusugan gobolka Galgaduud ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano ay horey gacanta ugu hayeen, waxa ayna Saraakiisha ciidankan sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada Al-Shabaab looga saarayo gobolkaasider_1der_2der_3der_4der_5der_6der_7

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %