Daawo Sawirada magaalada Beledweyne oo fatahaada wabiga looga barakacay

Read Time:35 Second

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay waxaa looga qaxay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabelle.

Xaafadaha ugu badan ee laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah Xaawo-Taako Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Qoysaska barakacay oo kumanaan qoys lagu sheegatay tiradooda ayaa waxa ay ku suganyihiin duleedka magaalada halkaasi oo ay ku heysato daruufo la xiriira dhanka nolosha iyo hoyga.

Fatahaadda biyaha Webiga ayaa waxaa laga baqdin qabaa in ay ka dhashaan cudurrada faafa oo ay ka midka yihiin Shuban-biyoodka.

Waa sanadkii labaad oo magaalada B/weyn looga qaxo fatahaada wabiga, mana jirto ilaa iyo hadda cid dadkaasi gargaar u fidisay.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %