Daawo Sawirada: labada bohood iyo Marooyinka oo maanta Muqdisho Boqor ku caleema saaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirada: labada bohood iyo Marooyinka oo maanta Muqdisho Boqor ku caleema saaray

Munaasabad lagu caleema saarayay Boqorka Labada bahood iyo marooyinka Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa ka soo jeeda qoys hogaan dhaqameed ah, waxaana caleema saarkiisa aad loogbaho_17a soo dhoweeyay meelo kala duwan.
baho_2baho_3baho_7baho_8baho_10baho_15baho_16
Munaasabadda caleema saarka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin iyo haween, waxaana dhamaan ay dhamaantood sheegay in boqorka labada bahood iyo marooyinka uu ahaa mid horay u soo jiray illaa 11 fac.

Sidoo kale xubnihii ka hadlay munaasabada ayaa ayaa kula dar daarmay Boqorka inuu daacadnimo, dulqaad iyo hufnaan ugu adeego dadka boqraday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabada ayaa lagu soo bandhigay taariikhda hogaan dhaqameed ee Boqorkan, iyadoo ka soo bilaw awoowgii iyo aabihii ay doorar kala duwan ka soo qaateen nabadeynta, halgankii gobonimo doonka iyo isu keenida umadda Soomaaliyeed.

Boqorka ayaa la dhaariyay, waxaana uu balan qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo isu keenida shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay xilka weyn ee la saaray, isagoo alle ka baryay inuu u fududeeyo.

Ugu dambeyn waxaa hambalyo u soo diray boqorka Boqor Burhaan, malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo u rajeeyay boqorka inuu Alle kula garab galo xilka loo igmaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!