Daawo sawirada gudoomiye gobol oo sita qori AK 47 ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirada gudoomiye gobol oo sita qori AK 47 ah

Mareeg.com: Iyaddoo maalmahaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka wedeen gobolka Hiiraan ayaa gudoomiyaha gobolkaas C/fataax Xasan Afrax xirtay dereeska ciidamada, islamarkaana qaatay qorigiisa AK47.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo sheegay iney ku socdaan sidii ay xayiraadda Alshabaab saartay Buulo Barde u qaadi lahaayeen ayaa waxaa la socda gudoomiyaha gobolkaas C/fataax Xasan Afrax.

C/fataax Xasan Afrax oo la socdo ciidamada ayaa waxa uu dadka kula hadlay deegaanada ay kala wareegeen Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegaay in hawlgaladu ay si xowli ah uga soconayaan gobolka, isagoo xusay inaan la hakin doonin, ilaa iyo inta Shabaab laga saaraayo deegaanada Gobolka Hiiraan oo idil.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahooda uu qayb ka yahay in Degmada Buulo Burde ay ka qaadan go’doominta ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Dhawaan ayaa la sheegay in Alshabaab kolonyada gudoomiyaha ku weerareen deegaanka galbeedka kaga began magaalada Baledweyne, inkastoo aan khasaare ah ka dhalan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.