Daawo Sawirada: Galmudug oo sameesatay Taargo Cusub iyo Xildhibaano Sharci daro ku tilmaamay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirada: Galmudug oo sameesatay Taargo Cusub iyo Xildhibaano Sharci daro ku tilmaamay

Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Maamulka Galmudug ayaa dhawaan magaalada Cadaado waxa ay kusoo banhigtay taargo cusub oo yeelanayo maamulkaasi, iyadoona lagu amray gaadiidka in ay qaataan taargadasai.

 

 

Xildhibaano katirsan Maamulka Galmudug ayaa ku tilmaamay sharci daro taargadan cusub uu maamulku yeeshay, waxa ayna Xildhibaanada ku doodayaan in taargadan aan lasoo marsiin wadadii sharciga aheed.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil , oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sharci daro ku tilmaamay targadan cusub, waxa uuna xusay in aan Baarlamaanka lasoo marsiin taargadan sidoo kale Wasiirada aysan ansixin.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka in Wasaarada Gaadiidka Xaq u leedahay in ay sameyso Taargada balse la doonayo in Baarlamaanka lasoo marsiiyo si loo meel mariyo taargadaasi iyo sidoo kale lacagta laga qaadayo gaadiidka lagu xirayo taargadaasi.

 

Hadalka kasoo baxay Xildhibanakan ayaa imaanaya xili dhawaan magaalada Cadaado lagu soo bandhigay taargo cusub uu saeesatay maamulka Galmudug, waxaana gaadiidka lagu amray in ay si deg deg ah taargadaasi u qaataan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!