Daawo Sawirada'' Galmudug oo maanta soo bandhigtay Maxaabiis ay Al-Shabaab uga qabteen dagaalkii shalay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirada” Galmudug oo maanta soo bandhigtay Maxaabiis ay Al-Shabaab uga qabteen dagaalkii shalay

Maamulka Galmudug , ayaa maanta soo bandhigay dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo lagu soo qabtay dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay deegaano katirsan Gobolka Mudug.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kana mid ahaa dagalayahandii dhawaan kasoo firxaday dhinaca Puntland soona gaaray Koonfurta Mudug , ayaa dagaal culus waxa ay kala kulmeen ciidamada maamulka Galmudug

Saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay in ka badan 10-dagalayahan oo katirsanaa Al-Shabaab kuwaa oo lagu soo qabtay dagaalkii shalay, dagaalyahanadan ayaana u badnaa kuwo ay da’dooda aad u yareed.

Dagalayahandii Al-Shabaab ee dhawaan ka dagay Xeebaha Garacad iyo Garmaal ayaa noqday kuwa dagaalo adag kala kulmay Maamulka Puntland, waxaana la dilay qaarkoodna la qabtay tiro badan oo kamid ahaa dagaalyahanadaas, waxaana firxadii Kooxdii ka dagtay Puntland ay hada soo gaareen Koonfurta Gobolka Mudug halkaas ay mar kale dagaal kala lulmeen maamulak Galmudugmugg_1mugg_2mugg_3mugg_4 mugg_5

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!