Daawo Sawirada Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sawirada Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Xaflad si heer sare ah loo soo aagaasimay oo lagu caleema saarayay madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

 

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo calemasaar-5 calemasaar-3calemasaar-4calemasaar-11calemasaar-10calemasaar-13qeybgalay mas’uuliyiin faro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke, Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Tedros adhanom  Wakiilka Q.Midoobay ee SoomaaliyaNicholas Kay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wakiilo ka socday Dowlada Kenya, Safiirada Turkiga iyo Imaaradka u fadhiya Soomaaliya.

 

Munaasabada ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaadayay fanaaniin Soomaaliyeed iyadoo halkaas mas’uuliyiintii ka hadashay ugu hambalyeysay madaxweyne Axmed Madoobe in markale loo caleemo saaro madaxtinimada maamulka Jubba.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.