Daawo Saacid Oo Isagoo Hoos Eegaya Kulan Kala Qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh

Read Time:48 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Guyddiga amaanka qaranka dowladda Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxaa kazoo muuqaday R/wasaare Saacid oo hoos u jeeda, islamarkaana u muuqday mid careysan.

Guddiga amniga qaranka waxaa gudmoomiye u ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xubno ka ah R/wasaare Saacid, wasiirada arrimaha guda iyo gaashaandhiga, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa heshay sawiro muujinya R/wasaare Saacid oo ka qeybgelaya kulankaas, islamarkaana hoos eegaya oo u muuday qof careysan.

Shalay ayaa waxaa soo ifbaxay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Xasa si cad R/wasaare uga codsaday inuu xilka ka tago oo isbadelka lagu sameynayo xukuumadda uu isaga ka bilowdo, arrinkaas oo Saacid ku gacan seyray.

Waxaa weli xafiisyada madaxtooyada iyo R/wasaaraha ka socda wadatashiyo iyo wadaxajood, waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Saacid uu ku adkeysanayo inuu sii fahdiyo kursigiisa, islamarkaana soo dhsio xukuumada ka kooban 20 ilaa 23 wasiir.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %