Daawo Muuqaal “Faah Faahin ku Saabsan Dagaal Xoogan oo ka dhex qarxay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliland!!

Read Time:52 Second

Dagaal Xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhex qarxay ciidamada dalka Jabuuti iyo kuwa Soomaaliland iyadoona dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan

Dagaalkaan oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ku dhexmarey ciidamada dalka Jabuuti iyo kuwa Soomaaliland Jaziirada Ceebaad iyadoona ciidamada Soomaaliland ay sheegayaan in ay dagaalka bilaabeen ciidamada dowlada Jabuuti oo ayagu weerar ku qaaday qaar ka mid ah ilaalad Xeebaha ee maamulka Soomaaliland, Dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan Soomaaliland iyadoo sidoo kalena ay jiraan dad uu dhaawac ka soo gaarey dagaalkaas.
Ugu dambeyntiina iydoo dagaalkaas uu qal qal galiyey shacabka ku nool magaalada Zaylac oo ayagu ja nasan waayey hugunka madaafiicda la isku weydaarsanaayey dagaalkaas ayaa goomiyha gobolka Salal ee Soomaaliland Farxaan Xasan Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada Bada ee dalka Jabuuti ay weerareen markab laga leeyahay dalka Masar oo si sharci ah uga kaluumeysnaayey biyaha Soomaaliland islamarkaana heystay ruqsada Soomaaliland, Dowlada dalka Jabuuti ayaan ayadu wali ka hadlin dagaalkaas dhex marey labada dhinac.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.