
Magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Hal-Abuure Ganacsi,isla markaana madax ka ahaa Shirkadda Startup Grind.
Shacab farabadan oo isugu jira saaxiibadiisii gaarka ahaa,eheladiisa iyo dadweyne kale ayaa isugu soo baxay goobtii lagu dilay ee Barxadda Baarka Spaghetti House oo ku taalla meel ku dhow Isbitaalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.
Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin,Maxaa loo dilay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali iyo Erayo kale
Riix Halkaan si aad u cases to Muuqaalka
.