Daawo:- Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo:- Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Turkiga

Ankara ( Mareeg News ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta u gudbaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga.

HALKAAN KA DAAWO

Xaflada Caleema saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maalinta berri ka dhacaya Ankara, waxaana ka qeyb galaya madax badan oo ka socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweyne Erdogan.

Dhamaadkii bishii June ayay aheyd markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha Turkiga, kaddib doorasho ka dhacday dalkaas oo aheyd tii u horeysay oo hal mar la doorto Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Nidaamka cusub ee dalka Turkiga uu yeeshay ayaa ka dhigay Erdogan mid awood badan leh oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa soo magacaabayaa Madaxweyne kuxigeenka dalka, golaha wasiirada iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa 5-ta sanno ee soo socota.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!