Daawo: Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo si rasmi ah u shaqo bilowday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo: Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo si rasmi ah u shaqo bilowday

Mareeg.com: Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa 23 sano kadib qaadaty arday cusub, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dib u howlgelisay sanad waxbarashadeedka 2014-2015.

Munaasabdaan lagu soo dhaweynayay in kabadan 375 arday oo u fariisan doono qaadashada duruusta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa manta lagu qabtay xarrunta Jaamacadda oo ku taalla degmada Xamarweyne ee magaalada,

Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay ardayda cusub oo ay qaadatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare dalka, Ducaale Aadan Maxamad, Maamulka Jaamacadda, guddoomiyaha dagmada Xamar weyne, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka waxbarashada ee Jaamacadda Aadan Guuleed Shabeel oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Jaamacaddu ay marxalado kala duwan soo martay, haatanna ay diyaar u yihiin in ardadayda Soomaaliyeed ay ku soo dhaweeyaan Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Prof Maxamad Axmed Jimcaale ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha ay ka kooban tahay Jaamacadda, isagoo dhinaca kale ardayda ka hor cadeeyay in macamaliinta kuliyada sharciga uu ka mid noqon doono ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ahna guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

“Ardayda aad arkeysaan lix bilood ayaa soo dhiseysaa, tan kale Ardayda waxaan ku qiimeyneynaa sida ay u soo xaadiraan iyo sida ay uga qeyb qaataan daruusta Jaamacadda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Ducaale Aadan Maxamad oo goobta ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan aqoonyahanada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan in ay ka qeyb qaataan dib u hanashada Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed..

Prof. Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iney kala duwanaadaan ardayga kasoo baxa Jaamacadda Ummadda iyo ardayga kazoo baxa Jaamacadaha kale ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxa uuna dhinaca kale ardayda kula dar daarmay in laga miradhaliyo duruusta ay qaadanayaan maadama ay yihiin madaxda berri.

“Waxaan rajeynayaa in Jaamacaddu ay noqoto hooyada Jaamacadaha dalka, tan kale waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka faa’iideysataan daruusta ay macalimiinta Jaamacaddu bixineyso” ayuu yiri ku-simaha gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Jawaari.

Waa markii ugu horreysay ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku dhiirato iney dib u furto mid ka mid ah Jaamacadihii dalku lahaa, waxaana haatan dowladdu maamushaa dhowr dugsi oo u badan hoose dhexe.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!