Daawo heshiisyo ay kala saxiixdeen dalalka Turkiga iyo Jabuuti

Mareeg.com: Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kulan ay ku wada qaateen magaalada Jibuuti ee dalka Jibuuti ku kala saxiixday hishiisyo dhowr ah oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti.

Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Geelle ayaa hishiiska ay kala saxiixdeen waxaa ka mid ahaa Arrima la dagaalanka argagaxisada, Caafimaadka, Waxbarashada, Burcad badeedka, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti, iyadoo sidoo kale labada madaxweyne ku hishiiyay in xiriir ganacsi oo dhow ay yeehaan.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada madaxweyne ayey faah faahin dheeri ah kaga bixiyeen qodobbadii ay ku hishiiyeen, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Geelle uu dowladda Turkiga si weyn ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Erdogan oo isna ka hadlay booqashada Jibuuti ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku joogo dalkaasi waxaana uu sheegay in ay xoojinayaan xiriirka kala dhaxeeyo dadka iyo dowladda dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga ayaa habeenkii Jimcaha gaaray Jabuuti, kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Boqortooyada Saudi Arabia oo uu shalay u dhoofay si uu uga qaybgalo aaska boqorkii hore ee Sucuudiga, taasoo baajisay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245