Daawo: Gabar Wariye ah oo geerida walaakeed lagu soo gaarsiiyey TV toos ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo: Gabar Wariye ah oo geerida walaakeed lagu soo gaarsiiyey TV toos ah

Mareeg.com: Boga YouTube ayaa dhawaan lasoo dhigay Video la yaab leh kaasoo muujinaya arrin naxdin weyn ku noqotay gabar weriye ah oo u dhalatay Liibiya.

Gabadhan wariyaha ah oo lagu magacaabo Basmah Al-waxishi ayaa iyadoo toos u tebineya barnaamij Telefishin waxaa soo wacay qof rag ah, kaasoo u sheegay in walaalkeed shahiiday.

Ninka soo wacay ayaa yiri “Walaalkaa waxaa Alle agtiisa uga xisaabeynaa Shahiid”, markaas ayaa gabadhu tiri “Shurkan” waxeyna awood u weysay iney sii waddo barnaamijka, iyadoo farsamo yaqaanka ku tiri “Dhex-taal, Dhex-taal, hadaad ii ogolaato”.

Arrintaan la yaab ku noqotay dad badan oo daawaney TV-gaas oo lagu magacaabo “Liibiya Awalan”.

Halkan ka doowo muuqaalka

 

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!