Daawo: Dahabshiil oo Banki ganacsi ka furtay Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo: Dahabshiil oo Banki ganacsi ka furtay Hargeysa

 Mareeg.com: Shirkadda Dahabshiil ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay Baan ganacsi, iyadoo sidoo kalana daaha laga rogay daar shirkaddu dhisatay oo ka kooban 7 dabaq.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa maanta Xariga ka jaray Bangiga Dahabshiil oo laga hirgaliyay Bartamaha Hargeysa.

Munaasibada Furitaanka waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha, xubno golihiisa wasiirada ka tirsan, Madaxda Dahabshiil, Madaxda Xisbiyada, Xildhibaano, Madaxdhaqameed, Culima’udiin, aqoon yahan, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Bangigan ayaa ah Bangigii ganacsi Islaami ah ee ugu horeeyay oo Somaliland laga furo, waxaanu suuro galinayaa maalgalin dhanka dhaqaalaha ah iyo ka qayb qaadashada horumarka sida uu sheegay maareeyaha guud ee Dahabshiil Group.

Dhismaha laga furay bangigan oo sidoo kale qaybihiisa kale laga furi doono xarumo ganacsi oo muwaadiniin Reer Somaliland ahi leeyihiin ayaa dhismihiisu socday mudo 7 sano ah, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 12 Milyan oo Dollar, sida uu sheegay C/rashiid Dahabshiil oo ah gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!