DAAWO: Dagaal socday Mudo Dhan Hal Saac & qasaaro xoogan oo loogu geystay….
Buula-mareer ( mareeg News ) Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay Tirabadan Oo meydad ah luwaasoo ay sheegeen ineey ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab Meeydadkaan ayuu taliska sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ururka 26aad guutada 6ad ee qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay guul weyn ka gaareen, dagaal shalay ka dhacay deegaanka Buula-mareer, waxaana uu intaa ku daray in dhankooda uu weerarkaasi kasoo gaaray askarta dhaawacyo .
“Caddowga Ummadda Soomaaliyeed weerarr qorsheesan ayeey kusoo qaadeen xarunta ciidanka gaawaari qaraxyo saarnaa ayeey ku soo bilaaween weerarkooda , hal iridda hore ayuu ku qarxay, labada kalena meel 100- talaabo u jirta xarunta ayaa lagu gubay, iyadoo saddex askari ay naga dhaawacantay, waana guul Alle aan uga mahadcelineyo” ayuu yiri Abaanduulaha.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo saacad ah, isla markaaana jab xoogan loogu geystay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in laga dilay tira kabadan 66 dagaalamayaal katirsan xarakada Al-Shabaab.
Taliska ciidanka Ururka 26aad ayaa xaqiijiyay in dagaalka Al-Shabaab looga furtay hub gaarayay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK47 ah 20 qori PKM ah iyo qori dhashiiko ah
Goobta lagu soo bandhigayay meydadka ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.
Dhanka shabeelada dhexee oo Iyana shalay dagaal ku dhexmaray ciidanka amisom iyo alshabaab ayaa Iyana ciidamada amisoow waxeey soo faarujiyeen dagaano hoostaga dagmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe, maalihandambe waxaa soo badanayo weerarada ay alshabaab ku qadayaan xirooyinka ciidanka.
Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dardar gelinta ciidamada xooga dalka xafiisna ka furtay wasaarada difaaca ayaana la ogeeyn waxa ay ka badly karto weerrarada alshaab ay ku qaadaan xirooyinka ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Labada shabeele.
Comments are closed.