Daawo:- Cutubyo katirsan Ciidanka somaliland Oo Ku Biiray dhanka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo:- Cutubyo katirsan Ciidanka somaliland Oo Ku Biiray dhanka Puntland

Har-Wanaaag ( mareeg News ) Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta  Puntland, S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe), abbaanduulaha ciidanka Daraawiishta,Gen.Siciid Maxamed Salaad(Goroya-cawl),guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) iyo saraakiil kale ayaa maanta degaanka Hadh-wanaag ee gobolka Sool ku soo dhoweeyay 110 asker oo ka soo goostay taliska guud ee militariga Somaliland.



Ciidankan ayaa ka tirsanaa guutadii”Gacan-libaax) ee militariga Somaliland oo maalmo ka hor ka baxay taliska guud ee ciidamada maamulkaasi,kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay,waxaana hoggaaminayey,Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax). Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa goobta lagu soo dhoweeyay ka sheegay in Somaliland ay madaxiisa ku joogtay gobolka Sool,haatanna uu xabbad kaga saarayo.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo isna ka hadlay soo dhoweynta ciidanka soo goostay,ayaa si weyn u bogaadiyay Dhamme. Gacan-libaax oo uu ku tilmaamay halyey u dhigma hal guuto oo ka tirsan militariga Somaliland,islamarkaana mudnaan gaar ah u leh halganka lagu xoreynayo gobolka Sool.



Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) oo dhankiisa hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin ku salaamay ciidankan ku soo biiray Daraawiishta Puntland,isagoo uga mahadceliyay garashadooda ku aaddan in ay dadkooda dib ula midoobaan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO



Dhinaca kale wararka ka imaanayaa gobolka Sool ayaa sheegaya in guuto kale oo ka tirsan militariga Somaliland ee gobolka Sool ay si cad ugu amar-diideen taliyaha guud ee ciidamada Somaliland,Gen.Nuux Ismaaciil Taani oo ku amray in ay u soo guuraan dhinaca Tukaraq,si loo mideeyo awoodda militariga Somaliland ee gobolkaasi oo haatan xaalad dagaal ay ka jirto.



Guutada kale ee ku amar-diidday taliyaha ciidamada Somaliland ayaa fadhigoodu yahay buuraha dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Laascaanood,waana cududda labaad ee Somaliland gobolkaasi ku leedahay marka laga reebo guutadii Gacan-libaax ee maalmo ka hor ka baxay taliskaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!