Daawo Ciidamada Itoobiya Oo Baydhabo Loogu Xiray Astaanta Iyo Koofida Midow Afrika

Read Time:42 Second

Baydhabo – Mareeg.com: Shalay oo aheyd 22-ka bisha Janaayo 2014, Midowga Afrika ayaa magaalada Baydhabo uga dhawaaqay in tiro ka badan 4 kun oo askari oo Itoobiyaan ah ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney qeyb ka qaadanayaan guluf colaadeed o Midowga Afrika doonayo in Alshabaab looga saaro gobollada Soomaaliya ee ay weli ka taliyaan, kuwaasoo isugu jira bartamaha iyo koonfurta dalka.

Itoobiya oo ciidamadeedu muddo dheer kusoo laalaabanayeen dhulka Soomaaliya ayaa horay uga biya diidi jirtay iney hoostagto AMISOM, hase ahaate Itoobiya ayaa badeshay fekerkeedii hore kadib markii uu geeriyooday Raysul wasaarihii hore ee dalkaas Males Zenawe, uuna xilka la wareegay Hailamariam Deisglin.

Halkaan ka daawo sawirrada ciidamada Itoobiya oo Baydhabo loogu xirayo koofiyadda iyo astaanta ciidamada AMISOM. Riix Prev ama Next si aad u aragto sawirro kala duwan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.