Daalibaan oo 100 qof ku dilay iskuul ku yaallada dalka Pakistan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daalibaan oo 100 qof ku dilay iskuul ku yaallada dalka Pakistan

Mareeg.com: Ilaa 126 qof oo u badan caruur ayaa lagu dilay kuwa kalana waa la afduubtay kaddib markii Taalibaan ay weerar ku qaadeen Iskuul ay ciidammada Pakistan maamulaan oo ku yaala magaalada Peshawar.

Shan ilaa lix malayshiyo oo qaba dirayska laamaha ammaanka ayaa galay iskuulka, saraakiisha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas iyo qarax laga maqlay aagaasi.

Ciidanka dawladda ayaa xiray goobtaasi balse lama hubo in ay gudaha u galeen iskuulka.

Afhayen u hadlay Taliban ayaa BBC u sheegay in weerarkaasi uu jawaab u yahay hawlgal uu millitarigu ka wado gobollada Waziristan iyo Khyber oo Talaalibaanka ka dhan ah.

Waxaa la aaminsanyahay in boqoaal dagaalyanada Talibaanka ah ay ku dhinteen hawlgalkaasi dhawaa ee millitarigu ay ka wadeen Waqooyiga Waziiristaan iyo iyo agagaarka Khyber.

Ilaa shan boqol oo arday ayaa la rumaysanyahay in ay wax ka baranayeen iskuulkaasi ciidammadu ay maamulaan, macada inta qof ee la qafaashay.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gurmadka dagdaga ah ayaa goobtaasi lagu arkay.

In kabadanb 20 arday iyo macalimiin ayaa loo qaaday Isbitaal ka agdhaw iskuulka oo Peshawar ku yaala.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.