Daalibaan Afghanistan oo dhaleeceysay xasuuqii Daalibaan Pakistan u geystay 141 caruur & dumar ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daalibaan Afghanistan oo dhaleeceysay xasuuqii Daalibaan Pakistan u geystay 141 caruur & dumar ah

Mareeg.com: Xarakada Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa dhaleeceeyey xasuuq Daalibaan-ta dalka Pakistan shalay u geysatay 141 ruux oo u badnaa carruur Iskuul dhiganeysay iyo macalimiintooda.

Daalibaan Afghanistan ayaa dilka carruurta ku tilmaamtay mid kasoo horjeedda diinta Islaamka. Daalibaan Pakistaan ayaa sheegtay weerar ardaydaas lagu laayey oo ka dhacay Iskuul ay dhigtaan carrurta askarta, kuna yaalla magaalada Peshawar.

Bayaan kasoo baxay Xarakada daalibaan Afghanistan ayaa lagu sheegay in Imaarada Islaamiga ee Afghanistan ay dhaleeceyneyso xasuuqa lagula kacay carrurta iyo dumarka.

“Dilka ulakaca ah ee lagula kacay dadka aan waxba galabsan ee ahaa dumarka iyo caruurta waa mid kasoo horjeeda diinta Islaamka, dowlad kasta oo Islaam ahna waxaa laga rabaa iney mabda’aas dhaqangeliso” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daalibaan Afghanistan.

“Imaarada Islaamiga ah ee Afhganistan waxey tacsi u direysaa ehelada caruurtii la xasuuqay” ayay sidoo kale tiri Daalibaan Afghanistan oo intaa ku dartay inuusan jiri karin sabab loo laayo caruur yarar iyo dumar.

Dhanka kale, waxaa magaalada Peshawar ee dalka Pakistan aas loogu sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii ay iskuul magaaladaasi ku yaalla ku qaadeen ururka Taliban-ka Pakistan, waxaana dalka Pakistan ayaa waxaa ka bilowday baroordiiq qaran oo 3 maalmood ah.

Daalibanka Pakistan ayaa sheegay in weerarka ay uga jawaabayeen howlgallo ay ciidammada ka fuliyeen gobollada Waqooyi ee Waziristan iyo Khyber.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!