Daafka oo ku baahay Muqdisho & Ookiyaalka oo aad suuq u yeeshay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daafka oo ku baahay Muqdisho & Ookiyaalka oo aad suuq u yeeshay

Mareeg.com: Waxaa maalmihii lasoo dhaafay mafaalada Muqdisho ka dilaacay cudurka Daafka oo ku dhaca indhahaa, waxaadna magaalada ku arkeysaa dad aad u farabadan oo xiran ookiyaalaha madow.

Dhamaan xaafadaha Muqdisho ayaa lagu arkay daafka, waxaana loo badinayaa in ugu yaraan kala bar dadka degan looto kasta laga helayo dad qaba cudurkaas.

Goobaha lagu iibiyo Ookiyaalaha ayaa feyl noqday, iyadoo dadka oo dadku ookiyaalka u isticmaalayaan si ay ugu qariyaan indhaha oo guduudanaya, badeyshana isaga difaacaan.

Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed  ayaa ka hadlay xanuunka ku dhaca Indhaha bani’aadamka ee Daafka, iyo waxyaabaha keena.

Dr. Cali Baashi ayaa tilmaamay in cudurkani ka mid yahay cudurrada ku dhaca indhaha waliba qeybta cad, waxaana keena ayuu yiri jeermis la kala qaado, isagoo xusay in cuidurkani uu si deg deg ah maalmo gudahood ugu baaho magaalada oo dhan.

“Waa cudur ley qaadsiiyo, waxaana laga yaabaa in qof ka mid ah qoyska haddii uu cudrkaas banaanka ka keeno uu markiiba wada gaaro qoyska oo dhan” ayuu yiri Dr. Cali Baashi.

Cali Baashi ayaa sheegay in cudurkan lagu kala qaado taabashada, isagoo tibaabaxy in haddii aad taabato qof qaba cudurka oo indhaha mar maray islamarkaana farihiisu leeyihiin dheecaan uu markaa kugu dhacayo, wuxuuse meesha ka saaray in lagu kala qaado dabeeysha iyo eegmada.

Cudurka Daafka ayaa hadda fara ba’an ku haya bulshada ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo uu cudurkani u dilaacay sanadkaan si ka badan sidii lagu arki jiray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!