Daacish oo sheegatay Qarax ka dhacay Muqdisho

Bayaan ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ahaa oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa Kooxda Daacish waxey ku sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, mid kalena lagu dhaawacay.

Ururka Daacish ayaa u muuqda in ay kordhiyeen Weerarada ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.

Kooxdan ayaa horey u sheegatay mas’uuliyada dilal dhowr ah oo dhacay intii lagu gada jiray Bishii Ramadan.

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline Email: news@mareeg.com