Daacish oo qabsatay warshadda ugu weyn ee sifeysa shidaalka Ciraaq

Baqdad – Mareeg.com: Dagaalyahanada Sunniyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka Ciraaq ayaa qabsaday warshadda ugu weyn shidaalka sifeysa ee dalkaasi ee lagu magacaabo Baiji, taasoo ku taalla Waqooyiga magaalada caasimadda ee Baqdad.

Warshada Baiji ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamay dagaalyahanada ISIS oo garab ka helaya Suniyiinta kale ee dalka Ciraaq iyo ciidammada dawladda.

Kadib 10 maalmood oo ay ciidamada ISIS ay ku hareereysnaayeen warshadda Baiji ayay markii dambe ka baxday gacanta dowladda Ciraaq.

Warshada ay jahbada gacanta ku dhigtay ayaa sifeysa saddex meelood meel shidaalka Ciraaq, waxaana ay qabsashada durbadiiba keentay in la tashiilo shidaalka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay kooxaha hubeysan ee qabsaday Baiji ayaa sheegay in warshadda shidaal sifeynta oo ku taalla gobolka Salaxuddin lagu wareejin doono qabaa’ilka deegaanka si ay u maamulaan.

Wuxuu afhayeenkaani intaa ku darray in duulaanka ku aaddan caasimadda Baqdad uu sii socon doono.

Qabsashada warshadda Baiji ayaa muhiimad gaar ah u leh ISIS iyo kooxaha la socda, maxaa yeelay waxey sii xajisan karaan goobaha ay qabsadeen, waxeyna shidaal gaarsiin karaan magaalada Mosul.

Fallaagada kacdoonka wada ee ay hormuudka ka tahay jabhadda Daacish ama ISIS ayaa qabsaday dhul ballaaran oo Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga caasimadda Baqdad, ayna ku jirto caasimada labaada ee Mosul.

Waxa ay hadda food ku yihiin biyo xireen muhiim ah oo u dhow magaalada Haditha, iyaga oo haatan ay gacanta ugu jiraan dhammaan soohdimaha ay Ciraaq la wadaagto Suuriya iyo Urdun.

Ciidamada Ciraaq oo garab ka helaya Shiicada ayaa isku dayaya iney u babac dhigaan Daacish, hase ahaatee waxaa muuqata in maalinba meel hor leh laga qabsanayo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245