Daacish oo 130 qof ku dishay labo masjid oo ku yaalla Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daacish oo 130 qof ku dishay labo masjid oo ku yaalla Yemen

Kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerar isqarxin ah oo ka dhacay laba masaajid oo ku yaala dalka Yamen, waxaana ku dhintay in ka badan 130 qof.

Afar qof ayaa isku qarxisay masaajidadaasi bartamaha magaalada Sanca. Wakhtiga uu weerarka dhacayay waxaa lagu jiray salaadii jimcaha.

Labada masaajidba waxaa ku cibaadaysto taageerayaasha falaagada Shiicada ee loo yaqaano Huutiyiinta. Waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Sanca sanadkii la soo dhaafay.

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay weerarkasi, waxaana jira baaq ah in dhiig lala soo gaaro dadkaasi dhaawacmay.

Waa la ogaa in Daacish ay ka howlgasho Yamen, balse illaa iyo hadda ma aysan gaysan weerar sidan u xoogan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!