Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ku dhow degmada Aadan yabaal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ku dhow degmada Aadan yabaal

Cutubyo ka tirrsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISON oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa u ruuqaansaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda SHabaab.

Ciidmada ayaa lagu soo waramayaa iney kaabiga ku hayaan degmada Aadan Yabaal, waxaana wararku sheegayaan in maleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen, iyadoo la filayo in ciidamadu ay saacadaha soo socda ay la wareegaan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaadki Shabaab ay baneeyeen difaacyadi ay ku lahaayeen duleedka magaaladaasi, iyagoo xusay iney u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Ceelbacad.

 

Horjoogayaasha kooxda Shabaab u qaabilsan gobolka Sh/dhexe ayeey degmada Aadanyabaal u aheyd xarun ama saldhig weyn oo ay ku dhibaateyn jireen dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Arintan ayaa qeyb ka ah howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Shabaab iyadoo maalmihii ugu dambeeyay  ay Ciidamada XDS iyo AMISOM  la wareegeen deegaano iyo tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!