Cumar Jacfaan: Rag Dil Ka Geystay Suuqa Xoolaha Ayey Toogteen Ciidamada Dowladdu

Muqdisho, Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degan Suuqa Xoolaha ayaa shalay galab toogtay labo wiil oo la sheegay iney halkaas ku duleen wiil dhallinyaro ah oo turjumaan u ah ciidamada AMISOM ee degan xerada Maslax ee ku taalla Suuqa Xoolaha.

Kooxda dishay wiilka la shaqeynayey AMISOM oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa waxaa markii ay dilka geysteen weeraray ciidamada dowladda oo aan meesha ka fogeyn, kuwaasoo ku toogay meel aan ka fogeyn halka ay wax ku dileen.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa sheegay inay ciidamada amniga ku guuleystaan inay dilaan dableydii dilka geysatay sida uu yiri.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in meydka wiilka turjubaanka ay ka qaadeen goobta, ayna aaseen, hase ahaatee kooxihii dilay ee iyana la dilay aanay goobta cidna ka qaadin sida uu yiri.

Dhowr todobaad ayaa kazoo wareegtay markii labo dhallinyaro oo doonayey iney dilaan askari ka tirsan ciidamada uu dilay mid ka mid ah, islamarkaana dhaawacay mid kale, halka askarigana uu soo gaaray dhaawac fudud.

Mareeg.com