Cumar Filish oo xariga ka jaray wado uu dhagax-dhigay Yariisow+Sawiro
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.
Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadooyinka.
Waxaan maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid, waxaan ugu baaqaya bulshada Caasimadda in ay muujiyaan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafada iyo bilicda ayuu yiri”Guddoomiye Filish.
Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee uu Maanta xariga ka jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay dhismaheeda u dhagax-dhigay Guddoomiyihii geriyooday ee Gobolkan Banaadir Marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Comments are closed.