Cumar Cabdi-rashiid oo la filayo inuu gaaro Garowe

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garowe uga qeyb geli doona shir ku saabsan arrimaha Hiigsiga sanadka 2016, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa la sheegayaa in sidoo kale looga hadli doono arrimaha Federaalka iyo waxa ka dhaqan galay, iyadoo Puntland ay ka soo horjeedo shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa shalay shir ay ku yeesheen Garowe ku sheegay iney isha ku hayaan shir maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud.

Gobolka Mudug ayaa 2 degmo oo ka mid ah waxey hoostaan maamulka Puntland, halka 2 kalana hoostaagaan Galmudug, iyadoo degmada Gaalkacyo ay labada dhinac u kala qeybsan tahay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245