Culumo Soomaaliyeed oo cambaareeyey wargeyska Faransiiska ah ee Charlie Hebdo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Culumo Soomaaliyeed oo cambaareeyey wargeyska Faransiiska ah ee Charlie Hebdo

Mareeg.com: Dallada Culumada Soomaaliyeed ayaa ca,baareeyey sawirro cusub oo uu soo saaray Wargeyska dalka Faransiiska ka soo baxa ee Charlie Hebdo.

Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed, Sh. Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay katoonno lagu afla-gaadeeyay Nebigeenna Muxamed (NNKH) oo ay warbaahinta reer galbeedku daabaceen gaar ahaan wargeyska dhawaan lagu weeraray magaalada Paris ee xarunta dalka Farasiinka ee Charlie Hebdo.

Sheekh Bashiir ayaa kula taliyay muslimiinta caalamka kula taliyay inay wax walba oo lagu dhibaateynayo Nebigeenna iyo diinteenna Islaamka si weyn uga hortagaan, wuxuuna sheegay in kartoonnadan ay ahaayeen kuwo waqti fog ay gaaladu daabacaysay.

“Sababta gaaladu ay u afla-gaadeynayaan Nabigeenna Muxamad (NNKH) iyo ambiyada Alle waa fashil ku dhacay diinta gaaladu ay aaminsan yihiin, taas oo keentay in Islaamku ku faafo dalalka Yurub,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Wuxuu kaloo Sheekhu intaas ku daray in faafista Islaamka ee Yurub ay aad uga caroodeen gaalada ayna tahay sababta ku kalliftay inay diinta Islaamka iyo ambiyada Alle u afla-gaadeeyaan.

“Yuhuudda ayaa u badan kuwa ambiyada Alle afla-gaadada u geysta, waana dad adduun iyo aakhiraba aan waxba ku lahayn… marka muslimiinta waxaan kula talinayaa inay difaacdaan diintooda,” ayuu Sheekh Bashiir hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, culummo badan oo muslimiin ah ayaa ka hadlay arrintan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay fool-xumo weyn oo aan la ogolaan karin, iyagoo ku baaqay inay laga hortago wax walba oo Islaamka lagu dhibaateynayo.

“Dadka hadda wax ka sheegaya Nebigeenna NNKH waxay ka mid yihiin kuwii horay wax uga qori jiray ambiyada Alle. Waxaana marag-ma-doonto ah inay nimankan ay qaarkood yihiin Yuhuudda,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Ugu dambeyn, Sheekhu wuxuu sheegay inay muslimiinta laga doonayo inay isku-duubni weyn muujiyaan si ay uga hortagaan falalka lagu afla-gaadada Nebigeenna NNKH iyo ambiyada kale ee Alle, isagoo xusay in haddii muslimiintu ay kala fikirka ay haatan ku jiraan kusii jiraan in la afla-gaadeyn doono diintooda iyo nabiyada Alle.

Wargeyska Charlie Hebdo ee daabaca waxyaabaha maadeyska ah oo sawir lagu muujiyo ayaa todobaadkii hore la weeraray waxaana la dilay 10 ka mid ah shaqaalihiisa oo Tifatirhiisii ka mid ahaa iyo sidoo kale 2 boolis ah.

Sababta loo weeraray wargeyskaas ayaa aheyd isagoo horay u daabacay muuwaalo lagu Nebigeenna Muxamed (NNKH), wuxuuna hataan soo daabacay sawiiro kale oo Muslimiinta ka careysiiyey.

Wargeyska Charlie Hebdo oo dhaqaale xumo heystay lagana daabici jiray ilaa 60 kun oo nuql ayaa markii la weeraray kadib laga daabacay 3 Miylan oo nuqul oo waqti koobana la gatay, waxaana maamulkiisu sheegay iney gaariinayaan ilaa 5 Milyan nuqul!

Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee ku yaala magaalada Paris, halkaasoo labo nin oo walaalo ah ay ku dileen ilaa 12-ruux.

Muuqaal ay barta Youtube soo dhigeen Al-Qaacidada Jaziiratul Carab oo uu ka soo muuqday sarkaal sare oo lagu magacaabo Naasir Al-Ansi ayaa sheegay in weerarka ay labada walaalaha fuliyeen ay iyaga ka dambeeyeen, isagoo xusay inay u bartilmaameedsanayeen wargeyskaas aflagaadada uu u geystay Nabi Muxamed (NNKH).

YEMEN-FRANCE-AL-QAEDA-CHARLIE-HEBDO

Waxaa uu ku goodiyay in weeraro dheeraad ah ka fulinayaan Faransiiska, isagoo ku eedeeyay in Faransiiska qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah islaamka.

Sarkaalkan ayaa ku tilmaamay labada walaalaha ee fuliyay weerarkaas Cherif Kouachi iyo Said Kouachi geesiyaal.

Labada walaalaha ee fuliyey weerarkaas waxaa muddo 3 maalmood ah oo lagu dabajiray kadib dilay ciidamada dalka Faransiiska.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!