Culumada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay Banaanbax Ka Dhan Ah Israa'iil + Dhageyso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Culumada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay Banaanbax Ka Dhan Ah Israa’iil + Dhageyso

Magaalada Muqdisho waxaa manta kulan ku yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Majmca Culumada soomaaliyeed,iyada oo kulankooda ay uga hadleen Xasuuqa ay Israel ka wado Daanta galbeed ee Dhulka Reer Falastiiniyiin.

Mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa Cambaareeyay falkaas,waxa ayna sheegeen in ay iclaminayaan Banaanbax ka dhan ah dowladda Israa’iil iyo falalka ay ka wado dhulka ay leyihiin Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiiniyiin.

Culumada ayaa waxa ay sheegeen in banaanbaxaas lagu muujin doono sid ay uga xunyihiin falkaas,islamarkaana Shacabka Falastiiniyiinta ee Walaalaha ay dhibka gaaraya la qeybsanayaan sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Majmaca Culumada Soomaaliyeed.

Sidoo kle culumada aya kulankooda ku dalbaday in sideg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ka soo cusboonaaday.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warka ka soo baxay Culumada.

 

Hoos ka Dhageyso Codka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!