Culumada oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaad uga timid madaxtooyada Puntland

Read Time:59 Second

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, oo kamid ah Culimaa’udiinka ka horyimid xeerka Puntland ku mamnuucday gudniinka gabdhaha, ayaa jawaab ka bixiyay warkii shalay ka soo yeeray dowladda.

Sheikh Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, eedaynta ka timid wasiirka Caddaalada Puntland, oo ku saabsan in culimadu ay siyaasad ahaan u diiddan yihiin go’aanka xukuumadda.

Wadaadka ayaa sheegay in muranka taagan xeerka gudniinka gabdhaha, uu soo bilowday wakhtigii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, sidaas darteedna uusan ahayn siyaasad ka dhan ah xukuumadda Deni.

Sidoo kale, wuxu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin colaad ka dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo culimaa’udiinka, balse murankaas ku koobanyahay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo shalay u  jawaabay dadka diiddan xeerkan, gaar ahaanna Culimaa’udiinka ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments).

Wasiir Xaamud ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka.

Sidoo kale, wuxuu digniin u jeediyay dadka diiddan xeerkan, oo uu ku tilmaamay kuwa meel kale laga soo diray.

Muqdisho-Somalia           

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.