Culimadda Soomaaliyeed oo wax aan lal yaab ah ugu yeeray Siyaasada qaran ee Jinsiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Culimadda Soomaaliyeed oo wax aan lal yaab ah ugu yeeray Siyaasada qaran ee Jinsiga

June 29 (Mareeg)— Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay Siyaasadda qaran ee Jinsiga, kaasoo bishii la soo dhaafay ay meel marisay Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo qodobada ku jira sharcigan uu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.

Kulan Culimadda Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hor-yimaadeen barnaamijka siyaasada qaran ee Jinsiga oo ay Wasaaradda Haweenka soo diyaarisay.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in barnaamijka siyaasadda qaran uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka.

“Waxaa ka war helnay Buug ay soo saartay Wasaaradda Haweenka ee la leeyahay Waa siyaasada qaran ee Jinsiga, wuxuu buugaas khilaafsan yahay shareecada Islaamka, waxaana haatan inoo soo baxday in Golaha Wasiirada ay meel mariyeen”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in arrintan ay qatar ku tahay jiritaanka qoyska Muslimka ah, isagoo xusay inuu buun buuninayo dumarka, isla markaana lagu tarbiyeynayo inay ka hor-yimaadaan Waalidiintooda iyo Nimanka qaba, taasoo uu xusay inay tahay in lagu siinayo Haweenka xoriyad.

“Waxyaabaha buuggaas ku jira waxaa ka mid ah in dhamaan Guddiinga gabdhaha la diidaa oo xataa gudniinka Sunniga ku jiro, oo ah in dambi laga dhigo, ma ahan arrin diinta islaamka ay qabto, sidoo kale da’da carrruurta ku qaan-gaaraan waxaa laga dhigay sida Gaalada oo kale 18-sano, waxaa la dhahay Gabadhu iyadaa is-guurin karto, iyadoo aabe iyo sheikh loo baahneyn”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in aanay sax aheyn in Soomaaliya lagu qasbo waxyaabo khilaafsan shareecada islaamka, waxaana uu ka digay siminaarada loo qabanayo haweenka ee lagu dhiira gelinayo, looguna sheegayo awood aanay laheyn.

“Haweenka kaalin weyn ayay bulshada kaga jiraan, waa in laga kaalmeeyo xaga aqoonta, sida waxbarashada, caafimaadka, baahida dumarka ma ahan Siyaasad, waayo waxay ku dayacan yihiin xaga carrruuta, waa in laga kaalmeeyaa, waana in lagu ixtiraamaa”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guuxan ka soo yeeray Culimada Soomaaliyeed ayaa durbaba waxaa uu dhaliyay carro aad u weyn, kadib markii laga war helay in barnaamijka siyaasada qaran ee Jinsiga ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya Shareecada islaamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!