Culimada Soomaaliyeed Oo Bayaan Ka Soo Saaray Nin Sawir Ku Tilmaamay Nabigeena Muxamed NNKH
Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bayaan kasoo saareen arrinta ku aadan nin ku nool Magaalada Gaalkacyo oo dhawaaan soo bandhigay sawirka Nin kale kaas oo u ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH.
Culimada waxa ay bayaankooda ku sheegeen in Cabdi Wali Sheekh Cali Cilmi Yare oo ah Ninkii soo bandhigay Sawir Nin kale kaasi oo uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH uu Diinta Islaamka ka baxay.
Comments are closed.