Mareeg Media
Somalia

Culeys Dowladda ka heysto dhismaha Galmudug

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay weli culeys weyn kala kulmeysaa dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu booqday Magaalada Dhuusamareeb.

Maalin ka hor waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray Ganacsato Reer Galmudug ah,kuwaas oo ka tegau Muqdisho,iyaga oo kulamo xasaasi ah la qaatay hoggaanka Ahlusunna oo saluugsan qaabka ay dowladda u wado dhismaha Galmudug.

Ganacsatada ayaa hoggaanka Ahlusunna waxaa ay u sheegeen in dowladda federaalka u soo dhiibeen in Ahlusunna Xildhibaannada Cusub ee Galmudug laga siiyo 15 Xubnood,hayeeshee hoggaanka Ahlusunna ay taasi diideen.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa u sheegay Ergada Ganacsatada ah ee ka socotay Dowladda in Ahlusunna ay weli ku taagan tahay heshiiskii la galay,isla markaana doonayaan in la siiyo 35 Xildhibaan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Ganacsatada ay dalabka Ahlusuuna u gudbiyeen Madaxda Dowladda.

Dhismaha Galmudug ayaa xilligaan waxaa uu u muuqdaa in dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso culeysyo dhinac walbo ah taas oo hakad geliyey qorshihii socday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!